Hooyo iyo carruurteeda oo lagu dilay qarax, Galgaduud

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qarax miino oo geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay deegaanka Wamooley oo galbeed ka xiga deegaanka Ceel-lahelay oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dad isku qoys ah oo ay ku jiraan hooyo iyo carruurteeda.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheehay in qaraxa uu ka dhex dhacay guriga ay daganaayeen qoyska, waxaana dhintay hooyada iyo laba carruur ah oo ay dhashay

Sidoo kale waxa ay dhaawacyo soo gaareen laba qof oo kale oo ka tirsan isla qoyska, kuwaas oo ay gurmad u sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in qaraxaas ay guriga ku dhex qarxiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ujeedkooda uu ahaa inay ku baabi’iyaan dadkaasi shacabka ah.

Waxay sidoo kale saraakiisha intaasi ku dareen inay haatan wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan xubnaha Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay ka joogaan halkaasi.

Weerarkan agaa kusoo aadayo, xilli haatan gobollada dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo lagu jabiyay Al-Shabaab, inkastoo deegaanada qaar dib looga soo baxay.

Howlgalladan culus waxaa hormuud ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan jiidda hore dagaalka, isaga oo wada abaabulka guluf mar kale lagu qaado Al-Shabaabka ee ku sugan gobollada dhexe.

Si kastaba, Soomaaliya waxaa la filayaa inay dhawaan ciidamadeeda kala wareegaan amniga guud ee dalka, maadaama uu billowday qorshaha ay baxayaan ciidamada howlgalka ATMIS ee ururka Midowga Afrika.