Maxaa ka run ah warka laga faafiyey xaalka Sheekh Umal?

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa shalay hal mar warbaahinta bulshada ee Soomaalida ku soo dhex dhacay warka ah in Sheekha Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Maxamed Cabdi Umal uu aad u xanuusan yahay, islamarkaana gaadhay heer uu awoodi waayo in uu salaadda dhammaysto, balse warkaas ayaa dib laga sheegay in uu been ahaa.

Salaaddii subax ee shalay ayaa ay ahayd markii la arkay sheekha oo ka baxaya rakcaddii labaad ee salaaddaas, xilli uu ku tukanayey masjidka Abuubakar Al-siddiiq. taas oo keentay in dad badan oo goob joog ahaa warkaasi ay sii faafiyaan.

Balse gelinkii danbe ayay qaar ka mid cullimada masjidkaasi xaqiijiyiin in xaaladda sheekhu wacan tahay, islamarkaana aanu xanuusanayan.

“Shiikha lallabo ayaa qabatay wuxuuna ka baqay in matag uu ka yimaaddo, taas daraadeed ayuuna u baxay oo musqusha u aaday, wuuna soo weyso qaatay oo soo noqday oo salaaddii inala dhammaystay, waana bini-aadan oo waa wax dhici kara. Shiikhuna hadda wuu caafimaad qabaa oo salaaddii Jimcena waa uu inala tukaday,” ayuu sheegay mid ka mid hawlwadeennada masjidka Lixaad ee xaafadda Eastliegh oo ah masjidka uu shiikhu caanka ku yahay joogistiisa.

Sheekha ayaa muddooyinkii u danbeeyey xaal caafimaad ugu maqanaa dalka Hindiya, isaga halkaas dhawaan ka soo laabtay, haatanna xaalkiisu fiican yahay.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka mid ah culimada ugu waaweyn ee Soomaalida iyo Kenya oo hadda ku nool yahayba.

Taariikhda Sheekh Umal oo kooban

Sida uu ku sheegay waraysiyo hore oo uu bixiyey sheekha ayaa noloshiisa inta badan ku qaatay saddex dal – Itoobbiya, Soomaaliya iyo Kenya, xilli sida uu sheegay uu muddo lagu qiyaaso 1968-dii uu ku dhashay baadiye.

Sheekh Umal ayaa waxbarashadii hoose ee aasaasiga ahayd ku soo qaatay magaalada Wardheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobbiya.

Waxaana uu Sheeku sheegay in aabbihii oo macallin qur’aan ahaa uu qu’aanka baray.

Gobolka Hirraan ayuu sheekhu ku soo qaatay barashada dhanka kutubta iyo naxwaha, kaddibna Kenya. Halkaas oo uu kaddib jaamacad u aaday Dalka Sucuudiga si gaar ah Jaamacadda Maddiina, halkaas oo uu marki uu ka soo dhammeeyey Jaamacadda xilligaas oo sheekhu sheegay in ay ay ahayd 1993 uu wixii ka danbeeyey uu degay dalka Kenya.

Carruurta sheekhu dhalay ayaa gaadha ku dhawaad 18 qof oo ay u kala dhaleen dhawr xaas sida uu sheegay.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa aad looga yaqaan dhammaan dhulka Soomaalida isaga oo ku caan baxay doorkiisa dacwadda iyo faafinteeda.