Dhaawacyada qaraxii shalay ka dhacay Beledweyne oo la keenay Xamar + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadkii kusoo dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa xalay la keenay magaalada Muqdisho, kadib markii ay laba diyaarad u dirtay dowladda Soomaaliya.

Dadkan ayaa waxaa soo daabulay Hay’adda SoDMA oo iyadu dhanka gargaarka u qaabilsan dowladda dhexe, waxaana laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee  Aadan Cadde.

Dhaawacyada la keenay ayaa gaaraya illaa 16 qof, kuwaas oo ay xaaladoodu liidato, waxaana la geeyay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay dhaawacyadu isugu jiraan Caruur, Dumar iyo Dad dhalinyaro ah oo qaba dhawacyo culus waxaana Garoonka Diyaradaha Aadan Cade uga hortagay Xildhibaano katirsan BJFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin katirsan Hay’adda SoDMA.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Wacyigalinta Bulshada ee SoDMA Dr. Cabdullahi Muse Axmed (Fanax) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Hay’addu u gurmatay dhammaan dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu xasuuqay magaalada Beledweyne.

“Waxaa u suuragashay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDOMA) in ay gurmad caafimaad u fudiso dhammaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii foosha xumaa ee ay argagixsadu ka gaysatay magaalada Beledweyne, weerarkaas oo ay waxyeelo badan kasoo gaartay shacab Soomaaliyeed ” ayuu yiri Dr Abdullaahi Muuse.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa musiibo xanuun badan oo haysata dadka Soomaaliyeed waxaan rajeyneynaa in laga bixi doono dhibkan”.

Dr. Cabdullaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay Hay’addu u taagan tahay mar walba u gurmashada dadka Soomaaliyeed iyo inay ka jawaabto xaaladaha noocaan oo kale ah.

“Hay’addu waxay mar kasta diyaar u tahay in Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay u gurmato dhibaatooyinka noocaan oo kala ahna ay ka jawaabto” ayuu yiri.

Beledweyn ayaa waxaa Sabtidii shalay ka dhacay qarax weyn oo lagu hoobtay, kaas oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana ku dhintay ku dhowaad 20 qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay intaasi, sida laga soo xigtay laamaha amaanka.