Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay GEDO

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in xubnaha Al-Shabaab ay maanta dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen gudaha gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen agagaarka deegaanka Yurkut oo hoostaga gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha Al-Shabaab oo wata hub iyo gaadiid dagaal ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen halkaas, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay doonayaan inay isku fidiyaan qaybo kamid ah gobolka, si ay weeraro ugu qaadaan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee jooga halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Yurkut oo ah meesha lagu arkay xubnaha Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku aadan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Arrintaan ayaa loo sababeynayaa gaabis xagga ciidamada ah oo ka jira Gedo, taas oo loo arko inay ka faa’iideysaneyso Al-Shabaab, maadaama howlgallo aysan ka socon gobolkaasi.

Gedo ayaa kamid ah gobollo ay qaybo kamid ah ka joogta kooxda, waxaana mararka qaar ka dhaca duqeymo ay ka fuliyaan diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.

Si kastaba, waxaa dhowaan la filayaa inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa ku wajahan maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.