DF oo soo saartay bayaan xasaasi ah oo ka kooban 28 qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin toddobaadle ah oo ay kaga hadleyso xaaladda dalka, taas oo ka kooban 28 qodob, warbixintaan ayaa Arbaco kasta ka soo baxda wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qodobada bayaanka DF:

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Djibouti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, isla markaana ka wadahadley iskaashiga milateri ee labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga Mudane Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga tababbarada ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kalana hadley arrimaha hawlgalada milatari ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay shuhadadii ku naf waayey qaraxii argagixisonimo ee ka dhacay magaalada Beled Weyne, sheegayna in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaarijta Al Shabab.

5-  Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada New York.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Comoros, Mudane Azali Assoumani.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen  xoojinta xiriirka labada dal.

9- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka, waxaana uu warbixin ka siiyey marxaladda dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullah Bin Zayen Al Nahyan, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

11- Guddoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamayey jagooyin kaaliyenimo oo ka banaan hay’adaha garsoorka ee dalka.

12-  Ra’iisul wasaare Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa  furay Shirweynaha dib u qaabeynta Waxbarashadda oo soo qaban qaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City.

13-  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  ayaa booqday guriga qoyska sarkaal Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa askarigii is hortaagey gaari qaraxyo wadey oo la doonayey in lagu weeraro guri uu ku sugnaa Madaxweyne Qoorqoor.

14- Wasiirada Arrimaha Gudaha, Kalluumaysiga ee Soomaaliya iyo xildhibaano ayaa kormeer dhiirigalin ah ugu tagay Ciidanka Qalabka Sida ee la dagaalamaya Khawaarijta Al Shabaab.

15-  Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee fududeynta deyn cafinta Soomaaliya.

16-  Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika Naledi Pandor .

17-  Soomaaliya oo si rasmi ah xubin uga noqotay kooxda ciribtirka cudurka cagaarshowga ee Qaramada Midoobay.

18- Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Abshir Cumar Jaamac oo New York kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Serbia.

19- Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ( Beenebeene) ayaa magaalada New York kula kulmay Ku-Xigeenka Agaasimaha Fulinta ee WFP Carl Skau.

20- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta nabadda aduunka oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda faraca magaalada Muqdisho.

21- Ciidanka Qalabka ayaa hawlgal milateri ka fuliyay degaanka Shabeellow ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

22-  Xasan Xuseen Cali  (Maxamed Deeq)  iyo Deerow Macallin Ibraahim (Idiris) oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

23- Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo lagu soo bandhigay horumarka hannaanka dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

24- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhulka laga xoreeyay Khawaarijta ka waddo qorshayaal lagu soo nooleynayo adeegyadii bulshada laguna xoojinayo xasilinta.

25- Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan khudbad ka jeediyey Shir duceedka heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey la dagaalanka cudurka qaaxada oo lagu qabtey magaaada New York.

26- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii ay ku dhaawacmey qaraxyadii Khawaarijta ka geysteen magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.

27- Madaxweyne Ku-Xgeenka Galmudug Mudane Cali Ciid ayaa guddoomiyay shir looga hadlay dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.

28- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa  qabatay kulan degdeg ah oo looga hadlayey u diyaargarowga iyo ka jawaab-bixinta khatar ka imaan karta El Niño.

==============DHAMMAAD==============