Cali Cosoble: Dagaalka Al-Shabaab waxaa aad uga muhiimsan dagaalka kuwa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday kuwo ka muhiimsan oo ay tahay in dowladda ka horeysiiso dagaalka ay ku jirto.

Cosoble ayaa qoladaas ku sheegay kuwa sida tooska ah ama dadban u xagal-daacinaya howl-galka ciidanka, si aan cadowga looga adkaan, uuna dagaalkana sameyn horumar lagu soo afjaro kooxda Al-Shabaab.

“La-dagaalanka Khawaarijta waxaa ka horreeya kana muhiimsan la-dagaalnka kuwa sida tooska ah ama sida dadban u xagal-daaciya howlgalka CXD ee dagaalka ka saaraya ciidanka ama qaska ka dhex abuuraya ciidanka taagan furinta,” ayuu Cali Cosoble ku yiri qoraal uu soo saaray, oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Waxaa jirta maah maah caan ka ah Masar oo dhaheysa ‘Ilahow anagaa iska ilaalineyna cadawgee naga ilaali saaxiibka’. Saaxiibka waa kan ku dhex jira ciidanka ee xogta u gudbinaya cadawga ama tashwiishka ku dhex furaya ciidanka si ay u kala jabaan ama sababaya iney ciidanka ka baxaan difaacii ay ku jireen.”

Cosoble ayaa soo jeediyay in cid alaala ciddii xogta ciidanka u gudbisa cadowga lagu maxkamadeeyo furinta, islamarkaana taliyeyaasha ciidanka iyo hoggaankooda loo siiyo amar buuxa arrinkaasi.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran;

La-dagaalanka Khawaarijta waxaa ka horreeya kana muhiimsan la-dagaalnka kuwa sida tooska ah ama sida dadban u hagaldaaciya howlgalka CXD ee dagaalka ka saaraya ciidanka ama qaska ka dhex abuuraya ciidanka taagan furinta ee ku jira dagaalka ama difaaca uga jira dhulka la qabto.

Waxaa jirta maahmaah caan ka ah Masar oo dhaheysa ‘Ilahow anagaa iska ilaalineyna cadawgee naga ilaali saaxiibka’. Saaxiibka waa kan ku dhex jira ciidanka ee xogta u gudbinaya cadawga ama tashwiishka ku dhex furaya ciidanka si ay u kala jabaan ama sababaya iney ciidanka ka baxaan difaacii ay ku jireen.

Sow tii xilliga lagu jiro difaaca askarigii qas ka sameeya furinta isla furinta lagu saari jiray maxkamad militari isla goobtana lagu toogan jiray?

Taliye wata ciidan kun nin ah oo furinta taagan oo aan tallaab ka qaadi karin basaas ku dhex jira ciidanka ama mid wax qasaya, muxuu taliye ka yahay?

Ciidankase sow ma aha iney fahamsan yihiin iney ku jiraan dagaal ay dalkooda ku xoreynayaan naftoodana ku waayi karaan, sidaa darteedna aan indhaha laga qabsaneyn, lana cafineyn basaas, qas wade iyo fuleyga cadawga dhabarka u jeediya?

Nidaamka, shuruucda iyo xeerarka ciidamada xilliga lagu jiro dagaalka wey ka duwan yihiin kuwa xilliga nabadda ee intaa ma ogin miyaa, mase ma awoodno inaan fulinno?

Sida keliya ee la xaqiijiyay dunida oo idil ee xilliga dagaalka waa sidaa.