Puntland oo qaaday tallaabo culus oo mucaaradka ka dhan ah

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa qaaray tallaabo cusub oo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ee sida weyn isku hayaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddiga Nabad-galyada gobolka Nugaal oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucay in ay hub iyo ciidan la soo galaan caasimadda.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ee imaanaya magaalada Garoowe ay amnigooda sugeyso dowladda, islamarkaana aysan hub lasoo geli karin caasimadda.

“Guddiga dhaqan-galinta amniga ayaa u xilsaaran amniga caasimada,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay guddiga nabad-gelyada gobolka Nugaal.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in goobaha la isugu imaanayo ay amnigoda sugayaan ciidamada dowladda, xilli mucaaradka uu wado diyaar-garowga shirweyne ka dhan ah madaxweyne Saciid Deni.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwooda ugu miisaanka culus ayaa isku diyaarinaya in bishaan October ay shirweyne ku yeeshaan caasimada maamulka ee Garoowe.

Sida ay Caasimada Online hore u baahisay shirweynahan ayaa waxaa lagu mideynayaa dhinacyada kala duwan ee mucaaradka hubeysan, kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay dhinaca saareen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirweynahan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii dhinacyada kala duwan ee mucaaradka ay uga hortagi lahaayeen muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni ayay siyaasiyiinta mucaaradka intooda badan ku eedeynayaan in barnaamijka “doorashooyinka qof iyo cod” uga dan leeyahay damac muddo kororsi, wallo uu madaxweynaha hore u sheegay in doorashada xilligeeda lagu qabanayo.

Si kastaba, go’aannadan ayaa uga sii daraya xiisadda ka taagan gudaha magaalada Garoowe, taasi oo u dhaxeysa mucaaradka iyo kooxda Deni, islamarkaana salka ku haysa doorashada kusoo foodka leh maamulka, ayada madaxdii hore iyo mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen qorshaha Deni.