Faah-faahinta qarax is-miidaamin ah oo caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qof naftiisa haligay oo soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa isku miidaamiyey dad u badnaa shacab oo ku sugnaa maqaayad lagu magacaabo Blue Sky oo ku taalla aagga Hotel Xaawo-taako ee degmada Boondheere.

Khasaare u badan dhaawacyo oo soo gaaray dad shacab, shaqaale dowlo iyo askar isugu jira ayaa ka dhashay qaraxaas, waxaana is qarxiyey nin soo dhex-fariistay dadkii joogay maqaayadda.

Banaanka hore ee maqaayadda oo qaraxaasi ka dhacay waxaa Bar-Control oo madaxtooyada laga ilaaliyo ku leh ciidamada dowladda, kuwaas oo ninkaan ka shakiyey inta uusan is-miidaamin.

Sida dad goobjoog ahaa ay u sheegeen Caasimada Online, ninka is-qarxiyey markii uu yimid maqaayadda wuxuu dhex-fariistay dadka, kadib waxaa u yimid askari ‘Soo istaag’ markii la yiri ayuu is-qarxiyey.

Intii ay ciidamadu muujinayeen shakiga laga qabo ninka is-qarxiyey waxaa goobta ka cararay dad tiro yar, sida ay noo sheegeen goobjoogayaasha noo waramay.

Ilaa hadda majrto cid shaacisay tiro koob rasmi ah ooo ku sameysay dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Booliska Soomaaliya oo inta badan laga sugo xogta khasaaraha ayaa wada baaritaan iyo gurmad loo sameynayo dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online