Xiisad horleh oo Beledweyn ka qaraxday kadib markii…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Beledweyne, taas oo ka dhalatay xilka qaadis ay HirShabelle ku sameysay taliyihii saldhigga booliska magaaladaasi Xidigle Axmed Cali Aadan.

Taliyaha xilka laga qaaday ayaa horyimid tallaabadaas oo uu qaaday taliyaha booliska maamulka HirShabelle Xasan Dhicisoow oo sheegay inuu xilkaas u magacaabay sarkaal kale oo lagu magacaabo Dhamme Cabdullaahi Maxamuud Siyaad.

Sababta keentay xilka qaadista ayaa waxaa lagu sheegay in taliyuhu uu wax ka qaban waayay xaaladaha ka jira magaalada Beledweyne ee u dhexeeya maamulka gobolka iyo kan Hiiraan State oo uu dhowaan ku dhawaaqay guddoomiye hore Cali Jayte Cismaan.

Xidigle Axmed Cali Aadan oo ah ninka xilka laga qaaday ayaa ku doodaya in HirShabelle aysan xilka qaadi karin, isla-markaana uu yahay taliye federaal ah oo uu soo magacaabay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, haddana uu xilka ka qaadi karo isla isaga uun.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli uu yahay taliyaha booliska Beledweyne, maadaama uu sheegay in aysan soo gaarin warqad xilka looga qaaday oo ka timid Muqdisho.

“Aniga waxaan ahay Booliis Fedaraal waxaana halkaan ku imid magacaabis heer Fedaraal ah, xilna igama qaadi karto Hirshabeelle awoodna uma lahan sharcina maba ahan, mana arag warqad kasoo baxday Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo sarkaalkaan lagu soo magacaabay ” ayuu yiri taliye Axmed Cali Aadan.

Arrintan ayaa keentay in maanta dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemo magaalada Beledweyne, taas oo u dhexeyso labada dhinac.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo madaxda sare ee HirShabelle oo ku aadan xiisadda ka dhalatay xilka qaadista taliyaha booliska degmada Beledweyne.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay ka digayaan inay arrintu faraha ka baxdo, haddii aan la heli cid kale oo soo kala dhex-gasha raggaasi.

Beledweyne ayaa waxaa horay ay ula daalaca dhexeyso daruufpo ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Cali Jayte oo isna ku dhawaaqay maamul la yiraahdo Hiiraan State.

Si kastaba, Llama oga sida ay waxa noqon doonaan, balse arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.