Daawo: Madaale oo tegay xaafadda ugu halista badneyd XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta booqasho ku tegay degmada Dharkenley ayaa dhagax-dhigay wado cusub oo laami ah oo isku xirta Tabakaayo Madoowe iyo Macalin Nuur ee degmadaasi, taas oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha.

Madaale oo goobta hadal ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday xaafadda Dabakaayo Madow ay aheyd xaafadda ugu badan ee dadka lagu dili jiray, marka loo eego Muqdisho oo dhan.

Duqa Muqdisho ayaa haatan sheegay in isbeddal badan la sameeyay, isla-markaana uu hourmar ballaaran ka jiro Dharkenley, taasna ay ku timid wada shaqeynta guud.

“Dadka degan Dabakaanyo Madow waxay ay u badnayd meesha dadka lagu dilo maanta waa ka bad qabtaan Alxamdulilaah, hadda nolol ayaa ka bilaabatay iyo horumar ayaa ka socdo, taasna waxaa u sababay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in meesha laga saaray kooxihii ciyaal weerada ee dhibaatada ku hayay shacabka, sidoo kalena laga hortegay halista kooxda Al-Shabaab.

“Waad ogtihiin ciyaal weeero ayaa nafta idin keenay, laakiin maanta waad ka bad qabtiin kuwii garan waaga loo bixiyay ee Khawaarijtana ee nafta u keentay dadka halkan deggan hadda waa laga soo kabtay” ayuu mar kale khuddbaddiisa ku yiri guddoomiye Madaale.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay dadaalkooda sii xoojiyaan, si loo sii wado horumarka ka jiray degmada.

“Dadaalkiina laba laaba horumarkana aan ka wada shaqeynyo, waad mahadsantihiin” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay duqa magaalada Muqdisho.