Daawo: R/W Xamza oo weerar culus ku qaaday culimada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka, isla-markaana lagu xusayay dadkii lagu laayey qaraxii Zoobe 2 ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Xamza ayaa ku eedeeyay inta badan culimada ku sugan masaajida ku yaalla magaalada Muqdisho in ay ka gaabiyeen doorkooda ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in marna aysan ka hadlin dhibaatada iyo gumaadka ay kooxda ku hayso dadka shacabka ah ee la leynayo maalin kasto, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jira culima badan oo masaajidda dadka uga muxaadareeya, uga khudbadeeya, imaam u ah, laakiin hal kalimo aan ka sheekeynin Khawaarijta, tolow Shikhaas muxuu yahay waxa uu u sheegayo dadka? ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in culimadaas ay guryahooda iska joogaan, haddii aynaan ku dhiiran karin Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in la geyn doono culimo ka hadasha.

“Culimadaas waxaan dhihi lahaa waad mahadsan tihiinee ee culimada geesiyaasha ah ee Ilaahey dartii u hadlaya u banneeya, guryihiina iska jooga haddaad rabtiin idinka” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday culimada Soomaaliyeed inay iska daayaan cabsida ee ay ka hadlaan xaqiiqada dalka iyo dhibaatada ay wajahayaan dadkooda.

“Cabsida waxaan qabaa inay culimada iska dhaafaan, haddii aynan dadka u sheegeen cadowga koowaad ee ay leeyihiin ee diintooda kusoo duulay ee dalkooda kusoo duulay ee dadkooda kusoo duulay ee boqol boqolka u dilaya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xamza.

Hadalkan aya kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo markii ugu horreysay ay ka qayb qaadanayaan dad deegaanka.