Soomaaliya oo safiirkii ugu horreeyay u dirtay Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa safiirkii ugu horreysay ee ebid u dirtay waddanka Eritrea, waxaana loo magacabay Cumar Idiris, oo horey u ahaa Safiirka Qatar.

Danjire Cumar Idiris ayaa waxaa waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Jimcihii lasoo dhaafay madaxeynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki.

Sidoo kale Cumar oo qoraal kooban soo dhigat bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay xilka loo magacaabay, isaga oo sheegay inay sharaf u tahay inuu noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea.

“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu danjire Cumar Idiris ku yiri qoraal kooban oo u soo dhigay bartiisa X ee hore loo dhihi jiray Twitter.

Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa sheegay in Cumar Idiris uu ka mid ahaa 17 danjire oo uu madaxweyne Afwerki ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Jimcihii.

Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa xoogeystay sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan intii uu xafiiska joogay madaxweynihii hore ee dalka ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isbaheysi saddex geesood ah ay sameysyeen isaga, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki.

Eritrea ayaa sidoo kale ciidamo kumannaan ah u tababarta Soomaaliya kuwaasi oo iskugu jira cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo kuwa gaarka ah ee dhulka, badda iyo cirka.