Daawo: Odawaa oo shaaciyey arrin yaab leh oo ka taagan garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa sheegay in Muqdisho weli ay ka jirto cabsi ay reebeen weerarradii Al-Shabaab, si gaar ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo ku taliyey in wax badan laga bedelo irdaha laga sugo amniga garoonka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in garoonka Aadan Cadde qofkii ka soo dega ee Muqdisho aan aqoon uu dareemayo cabsi xoog leh, isagoo farriin u diray xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

“Qofkii ka soo dega garoonka Aadan Cadde, isagoo ajanebi ah ama Soomaalida aan imaa jirin ah, markii uu arko biraha iyo dhagaxda cabsida muujinaya ee garoonka lagu wareejiyey wuxuu dareemayaa qalqal,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Xildhibaanka ayaa maamulka gobolka Banaadir, hey’adaha amniga iyo xukuumadda ku canaantay suurad xumada ka jirta irdaha laga galo garoonka Aadan Cadde, “xitaa lama rinjiyeeyo oo lama qurxiyo biraha iyo dhagaxaanta, ra’iisul wasaare ka tashada adiga iyo maamulka gobolka Banaadir, arrinta garoonka waa muhiim in wax laga bedelo,” ayuu yiri Odawaa.

Sidoo kale xildhibaan ayaa soo jeediyey in gudaha caasimada Muqdishi laga mamnuuco qoriga BKM ee Dabajeexa loo yaqaano, maadaama aan looga baahneyn gudaha Muqdisho, taas bedelkeedna uu muujinayo xaalad cabsi ah.

“Hadii garashadu aysan is bedelin amnigu isma bedeli doono, waxaad arkeysaa gaari ay saaranyihiin ciidan badan iyo qoryo dabajeexyo ah oo magaalada dhex maraya, fadlan siyaasi uma baahnid askar badan, amnigaaga waxaa sugi kara labo askari oo labo AK47 wadata, ka dhaafa amniga caasimada suurad xumeynta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Odawaa.

Sidoo kale Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dhagaxaan badan oo aan loo baahneyn, isla markaana looga maarmay amniga Muqdisho ay yaalaan gudaha Caasimadda.

“Qeybo badan oo magaaladaan ka mid ah waxaa taalla dhagaxaan badan, kuwaas oo laga soo gudbay baahidooda, cid ka qaadeysana ma jirto ilaahey amarkii!” Ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Hoos ka daawo