Midowga Afrika oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda Somalia iyo Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika oo ka duulaya dajinta xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay, si loo qaboojiyo xiisadda labada waddan ee ka dhalatay heshiiska badda.

Midowga Afrika ayaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo u magacaabay inuu madax ka noqdo wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay Olusegun Obasanjo uu hoggaamin doono dadaallada la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac.

“Si looga hortago sii hurinta xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa qaaday tallaabo waxayna ka codsadeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu hoggaamiyo wada xaajoodka isla markaana la qaboojiyo khilaafka sii kordhaya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo dowladda Soomaaliya ay diiday in la dhex dhexaadiyo Itoobiya, illaa laga noqdo heshiiska xadgudubka ku ah madax bannaanideeda.

“Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ay horay usoo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Tallaabada uu haatan qaaday Midowga Afrika ayaa sidoo kale timid, xilli waddamada gobolka ay shir ku yeesheen magaalada Kampala, kaas oo looga hadlay xiisadda labadaan dal.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriirkooda uu xumaaday, kadib markii ay kowdii bishaan Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay gaareen heshiis ay ka carootay dowladda federaalka.