Sawirro: Soomaaliya oo loo doortay hoggaanka midowga…

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta loo doortay guddoonka wakiiladda joogtada ah ee dalalka Afrika (Africa Group) ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xilkan ayaa waxa Soomaaliya ku meteli doona Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, islamarkaana ah Wakiilka Joogtada ah ee UNON, UNEP & UN-Habitat, Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Danjire Jabriil iyo howl-wadeenada safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa hoggaamin doona qorshe howleedka waddamada ku bahoobay Africa Group, iyada oo safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ay hoggaan u noqon doonto kooxda Afrika.

Danjiraha ayaa uga mahad-celiyay dalalka Africa Group kalsoonida ay u muujiyeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan hoggaanka safaraadda Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday in uu si buuxda ula shaqeyn doono wakiillada dalalka Afrika.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe horumar ballaaran oo dhanka xiriirada caalamiga ah ku tallaabsaneysay, ayada oo maalmo kahor ay aheyd markii ay ku guuleystay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qarmaada Midoobay.

Soomaaliya ayaa Khamiistii kamid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sanadka 2025 iyo 2026-ka.

Golaha ayaa u codeeyay shanta dal ee kala ah Soomaaliya, Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama. Soomaaliya ayaa xubin aan joogta ahayn ka noqotay golaha, iyada oo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay kursigan golaha ammaanka iyo sidii ay ku heli lahayd, taasi oo ugu dambeyntii mira-dhal noqotay.