Tirada dadka sanadkan ku dhintay Xajka oo la shaaciyay

Makkah (Caasimada Online) – Ugu yaraan 14-qof oo u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleyl xooggan oo ka dhacay dalka Sacuudiga, xilli ay ku guda jireen gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa sheegtay in 14 ka mid ah muwaadiniinteeda ay dhinteen “kadib markii ay la soo darseen xanuunno ka dhashay kulaylka ba’an” waxaana la sheegay in 17 kale la la’yahay.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP, hay’adda bisha cas ee Iran ayaa xaqiijisay in 5 xujey Iraniyiin ah ay sidoo kale naftooda ku waayeen, balse ma aysan cadeyn sida ay u dhinteen.

Saraakiisha Urdun ayaa sheegay in ay socdaan baadigoobka dadka la la’yahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa lagu sheegay in ay maamulka Sacuudiga kala shaqeyneyso habraaca loo aaso ama loo daabulo meydka dadka dhintay iyada oo la raacayo rabitaanka qoysaskooda.

Baraha bulshada ayaa lagu arkayay muuqallada tiro xujey ah oo sanadkan ku geeriyooday xaramka iyaga oo la maamusayo isla markaana si nidaamsan loogu aasayo gudaha Sacuudiga.

Xajku waa mid ka mid ah gudashada acmaasha ugu waaweyn iyo isu imaatinka ugu weyn ee adduunka. In ka badan 1.8 milyan oo xujey ah ayaa sanadkan ka qeyb qaadanaya sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudiga.

Laakiin mararka qaar waxaa dhaca dhibaatooyin sababa khasaare kala duwan oo ay ka mid yihiin is buurasho iyo dab ka kaca meelaha teendhooyinka ah ee ay xujeydu ku nastaan. Laakiin sannadaha badankood, caqabada ugu weyni ayaa waxaa ka mid ahaa kulaylka daran ee Sacuudiga ka jira.

Heerkulka ayaa ka sarreeyay 46C (114.8F) usbuucan, taasoo ka dhigaysa qaar badan oo ka mid ah gudashada acmaasha lagu sameeyo bannaanka mid adag iyo in socodku uu yaraado gaar ahaan dadka waayeelka ah.

Madaxa xarunta saadaasha hawada qaranka Sucuudiga, Ayman Ghulam, ayaa todobaadkii hore ka digay isaga oo yiri: “Cimilada la filayo ee Xajka sanadkan waxa ay muujin doontaa kororka heerku sarreeya oo ka sarreeya heerka caadiga ah ee Makka iyo Madiina.”

Sannadkii hore, ugu yaraan 240 qof ayaa dhintay. Musiibadii ugu xumayd ee ka dhacday Xajka, burburkii dhacay 2015-kii ayey ahayd iyada oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 2,000 oo qof.

Xajka oo ka mid ah isu imaatinka ugu waaweyn Muslimiinta, waa mid ka mid ah Shanta Tiir ee Islaamka. Dhammaan Muslimiinta ayaa laga doonayaa inay sanadkiiba mar gutaan haddii ay jir ahaan iyo dhaqaale ahaanba awoodaan.

BBC