Daawo: Axmed Madoobe oo maanta tegay magaalo laga xoreeyay kooxda Al-Shabab

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo wata gaadiidka dagaalka oo tiro badan ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Buulo Xaaji oo qiyaastii 90 KM galbeed ka xigta magaallo xeebeedka Kismaayo, halkaas oo dhowaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha ku nool deegaanka, isaga oo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan horumarkooda, ayna garab istaagaan ciidamada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhammaan hay’adaha dowladda ay bilaabi doonaan adeegyada bulshada gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo adeega internetka oo dhawaan loo fasaxay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa kale oo intaas ku daray in maamulka deegaanka sida ugu dhakhsiyaha badan  loo soo dhisi doono, si uu dardargeliyo howlaha horumarineed ee looga baahan yahay.

“Reer Buulo Xaajo dowlad ayaa iidn timid hadda kadib looma dacwoon karo Al-Shabaab, mana lala macaamili karo” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale balan-qaaday in ciidamada xoreeyay Buulo Xaaji ayna dib uga noqon doonin magaalada isagoo sheegay in sidoo kale deegaanka laga hirgalin doono maxkamad, isla markana aan la aqbali doonin in dacwad loo aado kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan saaka idin kuugu imid inaan kow idin xaqiijiyo in aan la’idinka noqoneynin iyo inaad heshaan adeegga dowlanimada oo la’idin sameynayo sida waxbarashadii, caafimaadkii iyo biyihii ” ayuu mar kale yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in mudo dheer khawaariijtu ay isku diraysay beelaha deegaanka, taas oo sababtay isku dhacyo dhinaca beelaha ah, balse hadda kadib laga gudbi doono dhibaatooyinkaas oo la dagay horumarkii bulshada iyo magaalada.