DF Soomaaliya oo shaacisay tirada Xujeyda sanadkan ku geeriyootay XAJKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay arrimaha Xajka ee Sanadkan oo Soomaaliya ay ka tageen 11,500 oo Xaaji, waxayna shaacisay tirada rasmiga ee ka geeriyootay Xujeyda Soomaaliyeed.

Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo diinta xukuumadda Soomaaliya Khadar Daahir oo shir jaraa’id qabtay ayaa xaqiijiyay dhimashada illaa lix Xaaji oo isugu jiro rag iyo dumar, kuwaas oo laba kamid ah aygeeriyoodeen intii lagu guda jiray Xaja, labada kalena ay dhinteen kahor.

Khadar Daahir ayaa tilmaamay in Xujeyda geeriyooday ay qaarkood ahaayeen dad da’ah, sidoo kalena ay xanuunsanaayeen, wuxuuna tacsi u diray ehelladooda.

“Tirada dhimatay oo Xujeyda Soomaalida sanadkan ka geeriyootay waa lix Xaaji saddex rag ah iyo saddex dumar ah waxaa ku jiray dad da’ah oo xanuuno qabay” ayuu yiri Khadar Daahir oo ah madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo Diinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuy intaasi sii raaciyay “Xujeydaasi laba kamid ah Xajka inta aan la galinin ayay geeriyoodeen, afarta kalena inta Xajka lagu guda jiray ayay geeriyoodeen”

Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in marka la eego dhimashada guud ee sanadkan ka dhacday Xajka ay aad u badnayd, sababo la xiriirka kulaylka daran ee ka jira dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, balse ay ka nabad qabeen Xujeyda Soomaaliyeed.

“Dhimashada xoogga badan ee aadka u fara badan ee la sheegayo ay sabab u tahay qorraxda maalintii ah arrintaa Xujeydeyno aadbey uga nabad qabeen” ayuu mar kale yiri Khadar Daahir.

Xajka waxaa sanadkan tirada dhimashada ay gaartay 550 Xaaji, waxaana sababta lagu sheegay kulaylka daran ee ka jira Sacuudiga oo heerkulkiisu gaarayay 51.8 Eegrees Celsius.