Kulankii Sanada oo kulan qaran noqday sannadkan

Dadka deggan degaanka Xamar iyo agagaarkiisa ee goofleyda ah ayaa waxay sannadkiiba mar qabtaan kulan isu soo bax ah, oo loo yaqaan Sano, oo ay bulshada ku damaashaaddo, kaas oo ay xoolo ku qashaan.  

Laakiin sannadkaan waa ka duwaneyd kuwii hore, waayo xildhibaanka beelaha dega Banadir iyo labada Shabeelle xildhibaan Cisman Xaadoole ayaa kulankii Sanada ballaariyey oo ku casuumay xildhibaanno, culimo, duubab iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan balse aan horay uga soo qeyb gali jirin.  

Xildhibaanka oo si dhab ah u qaatay macnaha xildhibaannimo iyo metelaadda laga rabo xildhibaan umadeed, taas oo ah inuu yahay ruux ka wakiil ah bulshada uu matalo ayaa isu keenay dadkii ugu badnaa ee sannahaan ka soo qeyb gala kulan sannadeedka loo yaqaanno badgalka laguna duceysto inuu Rabbi bulahsdaan ka badbaadiyo masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameega ah.  

Kulan dhaqameedkan waxaa uu ka mid yahay kulamada la isugu soo dhoweeyo bulshada degaankan Xamar iyo Shabeelloyinka ee uu xildhibaanka u yahay Cisman Xaadoole, si ay uga tashadaan aayahooda kuna xalliyaan khilaafaadka nolosha ka dhasha.  

Xildhibaanka, Col. Cisman Xaadole, ayaa muujiyey hogaamin qiimo leh oo aad loogu baahnaa, waxaanu ku mashquulsan yahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka yaryar ee ka dhexjiri kara beelaha walaalaha ah ee degaankaan camira Muqdishana u ah dhidibada ay ku taagan tahay iyo nolosha farxadeed ee lagula naaloonayo.

Xildhibaanka oo dad aad u fara badan meel fagaare ah kula hadlayey ayaaa u sheegay inay gacmaha is qabsadaan una hawlgalaan sidii loo dhisi lahaa qaran Soomaaliyeed oo mug leh, kaas oo la hubo inay cid waliba ku dheefsan doonto.

Xildhibaanka waxaa uu bulshada ku boorriyey inay gartaan awooddooda, ilaaliyaan dhaqanka suuban, dowladdana la shaqeeyaan si ammaanka loo sugo.

Xaadoole waxa uu dadkaas faraha badan u sheegay inay haystaan metelaad dhab oo uusan ka seexanayn inta qof dadka uu matalo uu hayo dhib.

Bulshadii ka soo qeyb gashay Sanada ayaa aad uga maqsuuday kulankii sanadkan la qabtay.

W/Q: Cabdiraxmaan Gacal 
Muqdisho, Soomaaliya