Daawo: DF oo ciidamo ka dajisay Kismaayo + Ujeedka

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh ka dajisay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo ah guuto ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland.

Ujeedka ciidamadan loo geeyay Kismaayo ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoereynta ee ka socda Jubbaland, waxayna xoojin doonaan ciidamada ku sugan halkaasi.

Qorshaha ciidamada ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah xoojinta wajiga labaad ee dagaalka oo haatan ka billowday Jubbaland, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Shalay sidaan oo kale waxaa dowladda dhexe ay laba diyaaradood oo siday ciidamo uga dajisay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo iyagana amniga degmadaas kala wareegaya ciidamada howlgalka ATMIS oo la filayo inay isaga baxaan halkaasi.

Wasiirka amniha gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo dhowaan hadal jeediyay ayaa sheegay dowladdu qaaday wajiga labaad ee dagaalka, uuna ka socd aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose.

Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqeen, kuna sii socdeen aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa dhawaan ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaanka Buulo Xaaji oo 90 KM u jira magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.