Faah-faahinta weerar culus oo Ruushka ka dhacay iyo tirada dhimashada

Dagestan (Caasimada Online) – In ka badan 15 askari oo boolis ah iyo dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay malleeshiyo hubeysan shalay la beegsatay gobolka koofureed ee Jamhuuriyadda Dajestan ee dalka Ruushka.

Bayaan aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah kasoo baxay guddoomiyaha Dajestan Sergei Melikov ayaa lagu sheegay in kooxda weerarka qaadday ay rasaas ku furtay kaniisad ay leeyihiin masiixiyiinta madhabta Ortodokis-ka iyo macbad ay dadka yahuudda ah ku leeyihiin halkaasi.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu eekeeyay bar koontarool oo ay leeyihiin ciidanka booliska.

Guddiga qaran ee la-dagaallanka argagixsiada Ruushka ayaa weerarkii Axaddi ku tilmaamay fal argagixiso.

Gobolka Dajistan oo ka mid ah gobollada ay ku badanyihiin Muslimiinta Ruushka ayaa waxaa looga dhawaaqay saddex maalin oo baroor-diiq ah oo ka billaabmeysa maanta oo Isniin ah.

Weerarka ayaa ka dhacay caasimadda gobolka Dajestaan ee Makhachkala. Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ilaa iyo hadda.