Muuse Biixi oo ku dhowaaqay go’aan culus oo meesha ka saaraya arrin xasaasi ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray go’aan dhigaya in fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo maxkamadaha awoodda u leh.

Madaxweyne Biixi ayaa mamnuucay in kiisaska kufsiga la xiriira lagu xaliyo hanaan dhaqan, islamarkaana looga dambeeyo hay’addaha garsoorka, waxa uuna faray in faray taliyaha ciidanka booliska iyo xeer-ilaaliyaha guud ay xaqiijiyeen dhaqan-galka arrintaan.

Go’aankan ayaa meesha ka saaraya doorkii dhaqanka ee kiisaska noocaan ah, wuxuuna imaanayaa xilli muddooyinkan dambe ay deegaanada Somaliland ku soo badanayaan fal-dambiyeedka kufsigu, kuwaasi oo khatar ku ah nabad-gelyada guud, sida uu xusay madaxweynaha.

Hoos ka aqriso wareegtada Biixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga oo ay Golaha wasiirradu fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, ku go’aamiyeen in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga;

Waxaanay u dhignayd wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga

Markaan Arkay: Qodobbada 90aad iyo 36aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wasiirrada ee fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, fadhigaas oo uu Goluhu ku go’aamiyey in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga;

Markaan Arkay: In muddooyinkan dambe ay Gobollada iyo Degmooyinka dalka ay ku soo badanayaan fal-dambiyeedka Kufsigu, falalkaas oo khatar ku ah nabad-gelyada guud ee Qaranka;

Markaan Garwaaqsaday: Muhiimadda ay leedahay in sharciga la-horgeeyo eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo Maxkamadaha dalka ee awoodda u leh, si eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyadaas loo mariyo ciqaabta sharci ee ay mutaysteen, sidoo kalena loo xaqiijiyo dhawridda xuquuqaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta.

2) Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku ay xaqiijiyaan in eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh, waxaana ka reeban in lagu xaliyo nidaam aan ahayn nidaamka garsoorka.