Julian Assange, aas-aasaha WikiLeaks oo la sii deynayo 7 sano kadib + Sababta

London (Caasimada Online) – Aas-aasaha website-ka WikiLeaks, Julian Assange ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu qirto inuu danbi galay kuna xad-gudbay sharciga basaasnimada Mareykanka, qirashadaas oo uu ku baddalanayo in laga sii daayo xabsiga uu ku xiran yahay ee dalka Ingiriiska, kadibna dib loogu celin doono dalka uu u dhashay ee Australia.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa dukimintiyo ay shalay u gudbiyeen maxkamadda ku sheegay in Assange oo 52 jir ah uu ogolaaday in uu qirto dambiga kaliya ee lagu soo oogay oo ah in uu maleegayay in uu helo oo uu shaaciyo dukumeentiyada difaaca qaranka Mareykanka ee sirta ah.

Maxkamadeyntiisa ayaa aroornimada hore ee Arbacada berrito ah ka dhici doonta waqooyiga jasiiraddaha Mariana oo ee hoos yimaada dowladda Mareykanka, kuna yaalla waqooyiga-galbeed ee badda Baasifigga.

Muddada todobada sano ee uu xirnaa ayaa la filayaa inuu loo xisaabiyo xabsi uu qaatay, kadibna la fasaxo.

Website-ka WikiLeaks ayaa sannadkii 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka.

Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kuwa ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka.

Assange ayaa markii hore sannadkii 2010-ki lagu xiray dalka Britain kadib marki ay maxkamad ku taalla Sweden u jartay waaran lagu soo qabanayo, kadib markii lagu eedeeyay danbi kufsi ah oo markii danbe laga laabtay.

Kadib ayuu u cararay oo uu iska dhiibay safaaradda Ecuador ee London, kalkaas oo uu ku noolaa muddo 7 sano ah. Ugu danbeyntii sannadki 2019-ki ayaa laga soo xiray safaaradda oo loo diray xabsiga Belmarsh ee magaalada London.