Puntland oo qaaday tallaabo culus kadib dagaalkii maanta

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo deg deg ah kadib dagaalkii saaka dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug.

Puntland ayaa deegaanka colaadda kasoo cusboonaatay isla maanta u diray wafdi goleyaasha dowladda ah, sida ay shaacisay Madaxtooyadda maamulka Puntlnad.

Ku-simaha madaxwaynaha dowlad-goboleedka Puntland ahna madaxwayne ku-xigeenka Ilyaas Lugatoor ayaa ku baaqay in colaadda ka socota galbeedka gobolka Mudug la joojiyo sida ugu dhaqsaha badan bilaa shuruud, islamarkaana ugu baaqay beelaha walaalaha ah ay is-xakameeyaan.

“Waxaan ku baaqaynaa in colaada ka socota galbeedka gobolka Mudug la joojiyo shuruud la’aan. Sidaasi darteed waxaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex-martay ugu baaqyna in la is-xakameeyo oo nabadda laga wada-shaqeeyo,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda oo ku saxiixna madaxweyne ku-xigeenka maamulka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Si dhakhso loogu joojiyo colaadda oo nabadda loo xoojiyo, waxaana wafdi goleyaasha dowladda ah u dirnay deegaanka, waxaan rajeynayaa in masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee wada dadaalka nabadeynta ah ay ku guuleystaan xakameynta colaadaasi.”

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale waxa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday colaadaasi, isaggoo kuwa dhaawacmayna caafimaad deg-deg ah Allah uga baryay.

“Ugu dambeyn waxaan ka tacsiyeeynaynaa dadkii ku geeriyooday colaadaasi, Allaah janadii h ageeyo, kuwa ku dhaawacmayna Allaah ha u booga dhayo Aaamiin.”

Dagaalka saaka oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu dib uga qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu udhexeeya laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa markale saaka is-farasaaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Maamullada Puntlnad iyo Galmudug ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo dejin lahaa xaalka, islamarkaana dadka walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalsan looga dhex abuuri lahaa jawi xasilloon.