Sawirro: Jawaari oo aas heer qaran ah maanta loogu sameeyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo shalay ku geeriyooda gudaha caasimada.

Ugu horreyn marxuumka ayaa habmaamuus qaran iyo sagootin loogu sameeyay taaladda Dhagax Tuur waxaa kadib salaadda Janaazad lagula tukaday masaajidka wayn ee Isbaheysiga, waxaana ka qayb galay, Madaxweynaha, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa.

Intaasi ka dib marxuum Jawaari ayaa lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi, waxaana tegay oo aaska ka qayb-galay mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale  ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed.

Prof Jawaari ayaa ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday sanadkii 2012-kii guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen.

Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley.

Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxweyne ee uu Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.