Muuse Biixi u jawaabay koox uga soo hanjabtay Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa u jawaabay koox uu ku sheegay jabhad oo ‘isku uruursaneyso’ dalka Jabuuti, taas oo dhowaan hanjabaad culus usoo dirtay maamulkiisa

Muuse Biixi ayaa sheegay inuu arkay hanjabaadda kooxdan oo uu tilmaamay inay ku goodiyeen xoreynta gobolka Awdal, taas oo uu ku tilmaamay wax lala yaabo.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in Jabuuti dhexdeeda aysan ka fileyn in laga soo abaabulo wax liddi ku ah jiritaanka Somaliland, uuna aad uga xun yahay arrintaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa xusay inay ka war sugayaan sida ay xaaladda noqoto, wuxuuna sheegay in Somaliland ay mar weliba difaac ku jirto, ayna isaga filan tahay cadowgeeda.

“Waxaan arkayay jabhado jabuuti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, halkaa kamaan filayn, haday jabuuti sidaa la noqotay waxay noqoto ayaynu sugaynaya” ayuu yidhi Madaxwayne Muusw Biixi.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo maanta kasoo yeeray guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isna sheegay in Somaliland looga tashaday Soomaaliya iyo Jabuuti.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lagu  tashaday in laba jiho laga weeraro Somaliland oo kala ah dhinaca Jabuuti iyo aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

“Waxa lagu tashaday in dalkeenna laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo ayada oo ay cirka isku sii shareertay xiisadda xoogan ee ka dhalatay heshiiska badda oo ay ka horyimaadeen dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.