Israel oo ku dhaqaaqday tallaabo uga sii dareysa GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Milatariga Israa’iil ayaa xalay ku amray dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool degmada Khan Yunis ee bartamaha Marinka Gaza inay isaga baxaan, tallaabadaasi oo u muuqata mid direysa in Israa’iil ay mar kale weerari doonto magaalada labaad ee ugu weyn Gaza.

Amarkan ayaa muujinaya in Khan Yunus ay noqoneyso bartilmaameedka ugu danbeeya ee dagaalka ay Israa’iil ka waddo Gaza tan iyo horraanii October ee sannadki hore.

Ciidanka Israa’iil ayaa horay u burburriyay inta badan Khan Yunus, hase yeeshee shacabka ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay kaddib weerarkii ay Israa’iil ku qaadday magaalada kale ee Rafax.

Dadka lagu amray in ay ka baxaan Khan Yunus ayaa sheegay, in farriin qoraaleedyo ay ciidanka Israa’iil ugu soo direen telefoonnadoodu loogu sheegay in ay aadaan degmada Muwasi ee dhinaca xeebta badda Meditareeniyaanka, halkaas oo ay horay ugu barakaceen boqollaal kun oo ruux.

Dhanka kale, kooxaha Islamic Jihad iyo Xamaas ee ka dagaallama Gaza ayaa sheegay in ay Isniintii shalay gantaallo ku weerareen deegaanada ku yaalla koofurta Israil ee xadka Gaza.

Millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ilaa 20 gantaal oo lagaga soo tuuray dhanka Gaza aysan cidna wax ku noqon.

Hase yeeshee weerarkaasi ayaa muujiyay in wali ay kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza ay leeyihiin awood, kaddib muddo 9 bilood ah oo ay dagaal kula jiraan ciidamada Israa’iil.