Somaliland oo caddeyn soo bandhigtay kadib tallaabadii ay qaaday dowladda Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa mar kale arrimo ku aadan jabadda ay Somaliland sheegtay in lagu dhisay dalka Jabuuti.

Cali Mareexaan oo jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Jabuuti oo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta Somaliland ayaa soo bandhigay caddeymo uu la wadaagay warbaahinta, wuxuuna soo qaatay xaflad ka dhacday Jabuuti oo ay kasoo muuqdeen rag uu sheegay inay yihiin kuwa hoggaaminaya kacdoonka ka dhanka ah Somaliland ee Awdal.

“Waa kuwaa nimankii Awdal State sheeganayay waxay fadhiyaan fagaarihii waynaa 27 Juun laga xusayay, halkaana waxa fadhiisan kara uun qof lasoo martiqaaday, xaflalado waa wayn ayay qabanayaan iyaga oo abaabulaya in Somaliland iyo gobolka Awdal lagu kaco” ayuu yidhi Wasiir Warfaafinta Somaliland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay lama filaan ku noqotay inay Jabuuti hoy u noqoto jabhad kasoo horjeero Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Jabuuti ay uga fadhiyaan inay jawaab cad ka bixiso arrinta jabhaddaas, ayada oo la ilaaliyo xiriirka iyo walaaltinimada labada dhinac.

“Jabuuti waxaynu naqaanaa in ay tahay dal cid aan dowladu ogayni anay iska soogali karin, heshiis hore ayaa jiray nabadgalyada xuduudaha ayaa la wada ilaalin jiray saxarka ayaa laga dhawri jiray, wax aanu filaynay may ahayn” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada dowladda Jabuuti ay iska fogeysay eedeynta uga timid Somaliland ee ku aadan jabadda la sheegay inay ku sugan tahay gudaha dalkaasi.

Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale oo arrintaan uga jawaabay qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha Somaliland uu eedeyn culeyskaan leh u jeediyo Jabuuti.

“Waxaan ka xumahay eedaynta aan raadka lahayn ee nooga timid madaxda Somaliland, Jabuuti waa goob u taagan wada-jirka iyo is dhex-galka gobolka, waa barada nabada gobolka, wax kale kama shaqayno,” ayuu Wasiir Ilyaas ku yiri qoraalka.

Si kastaba arrimahan ayaa imanaya xilli ay dalka Jabuuti ku sugan yihiin madaxda maamulka dibad-wareega ee la baxay Awdal State, kuwaasi oo halkaasi ku qabsaday xaflad, taasi oo ay hanjabaad uga soo direen maamulka Somaliland.