MAREYKANKA oo soo faro-geliyay amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah usoo faro-gelisay amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Mareykanka ayaa wafdi culus oo qaabilsan amniga garoomada usoo diray Muqdisho, kaas oo maanta la kulmay mas’uuliyiinta maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga oo ka tirsan hay’adda TSA ayaa si gaar ah ula shiray saraakiisha amniga garoonka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxayna ka wada-hadleen amniga guud ee garoonka Aadan Cadde.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga Mareykanka ayaa qiimeyn ku sameeyay howlaha sugida amniga garoonka iyo sida ay u shaqeeyaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ka socota hay’adda TSA ayaa dalka joogi doona muddo saddex maalmood ah, iyagoo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde, kulamadaan ayaa lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka.

Si kastaba kulanka mas’uuliyiinta maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, hay’adaha amniga garoonka iyo hay’adda duulista rayidka oo dhinac ah iyo hay’adda TSA ay ku yeesheen xafiiska maamulka garoonka ayaa gogol xaar u noqon doona sidii lagu gaari lahaa in diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka.

Garoonka magaalada Muqdisho ayaa u shaqeeyo si maalinle ah, waxaana kusoo xirmay duulimaadyo caalami ah, taas oo sare u qaaday heerka shaqo ee garoonkan oo marin muhiim u ah dadka ka dhoofaya iyo kuwa kasoo dagaya gudaha magaalada Muqdisho.