Xasan Sheekh oo xarunta difaaca kulan xasaasi ah kula qaatay hoggaanka ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka kulammo kula qaatay hoggaanka wasaaradda iyo viidanka xoogga.

Saraakiisha ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay ciidamada qalabka sida inay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreyanyo kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan geli doona wejigiisa labaad.

Madaxweyne Xasan oo horraantii bishaan tegay furimaha hore ee dagaalka ayaa dib u bilaabay dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo lagu dar-dargelinayo dagaalka, isaga oo xaqiijiyay sida dowladda ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Dhawaan ayaa filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasi oo kooxda siisay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, ayaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday.

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah.

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa in kooxda looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda weli ku xoogan tahay.