Golaha wasiirada oo maanta ansixiyay laba sharci oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta lagu ansixiyey sharciyo muhiim ah.

Golaha wasiirada ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka sharciga canshuuraha dakhliga iyo xeer-nidaamiyaha maareynta maaliyadda guud, siyaasadda deymaha iyo hanaanka amaahashada iyo soo saarista damaanadaha.

Golaha ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha shaqaalaha dalka ka dhageystay wasaaradda howlaha guud oo soo bandhigtay waddooyin laga dhisayo Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo

Sidoo kale wasaaradda ayaa soo bandhigtay waddooyin qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Golaha wasiirrada ayaa ugu dambeyntiina wuxuu warbixin ka dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo difaaca howl-gallada lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Waxa uuna goluhu bogaadiyey howl-galladii ugu dambeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey kooxda Al-Shabaab, oo ay kamid yihiin Buurweyn iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo saaka laga qabsaday kooxda.

Wejiga labaad ee dagaalka oo dhawaan bilaaban doona ayaa la filayaa in looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.