Daawo: Xasan Sheekh oo dalacsiiyey saraakiishii ilaalisay imtixaanka DF, kana hadlay…

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasbad lagu abaal-marinayay Saraakiisha Ciidamada Ammaanka iyo Howl-wadeenada Wasaaradda Waxbarashada ee doorka muhiimka ah ka qaatay qabsoomidda Imxitaanka Qaran ee dugsiyada sare ee dalka.

Madaxweynaha oo munaasabadaas khudbad ka jeediyey ayaa aad u amaanay Wasaaradda Waxbarashada dalka oo ku guuleysatay inay imtixaanka xakameyso, isla markaana gaarsiiso deegaano iyo degmooyin fog oo laga xoreeyey argagixisada, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u dhiirigelisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalacsiiyey saraakiisha ciidamadii sugay amniga ardayda, imtixaanka iyo howlwadeenadii ay u xil-saartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa aad uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wuxuu khudbadaan oo socotay 15 daqiiqo inteeda badan wuxuu digniin ugu diray dadka la shaqeeya Al-Shabaab.

“Dadka qaar waxay dhahayaan deegaanadii laga xoreeyey argagixisada dib ayey ugu soo laabteen, ma jirto hal degmo oo Khawaarij dib nooga qabsatay, dagaalkii aan ka bilownay daafaha Muqdisho ayaa sii maraya meesha aad aragteen, yaan lagu sirmin walaalayaal cadowga yaan loo hiilin,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa digniin u diray dadka ogaal li’ida iyo sida ku talagalka ahba uga shaqeeya Al-Shabaab, isagoo sheegay in dowladu ay soo bandhigi doonto liiska dad baaritaan ku socdo oo la shaqeeya Khawaarijta, kuwaas oo bulshada loo soo bandhigi doono.

“Khawaarijtu qaraaba maleh, iska jir akoon ha u furin, hala hadlin, waa taargad, dhaqaalaha ha u keydin, waa lagu daba jiraahe iska jir,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa aad uga digay in lala macaamilo kooxaha Khawaarijta ah.

Hoos ka daawo