Taliyihii guud ee booliska dalka Kenya oo is-casilay, kadib markii la dilay 40 qof

Nairobi (Caasimada Online) – Taliyihii guud ee ciidamada booliska dalka Kenya ayaa xilkii is-casilay, kadib mudaharaadyo rabshado wata oo toddobaadyo socda dalka, kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 40 qof.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay booliska Kenya in ay toos u toogteen tobanaan dibad-baxayaal ah oo qaarkood ay dhinteen, boqolaalna ay qafaasheen ama si aan sharci ahayn loo xiray.

Bartamihii bishii hore waxaa ka dhacay dalka Kenya mudaaharaadyo looga soo horjeedo in la kordhiyo canshuuraha, dibadbaxa ayaa la xakameyn waayey.

Dibad-baxayaashu waxay xoog ku galeen baarlamaanka, wax yar kadib markii sharci-dajiyayaashu ay meel mariyeen sharciga muranka dhaliyay.

Intaas kadib Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qaaday tallaabo uu ku kala diray golihii wasiirrada dalka, taas dejisay inta badan shacabkii careysnaa ee mudaharaadayey maalmihii lasoo dhaafay.

William Ruto wuxuu Khamiistii shaqada ka eryay in badan oo ka mid ah golihiisa wasiirrada, isagoo ku dhawaaqay in uu soo dhisi doono xukuumad ‘ballaaran’.

Wasiirrada shaqada laga eryey waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya, isla markaana ahaa wasiirka gaashaandhigga dalkaas, sidoo kale wuxuu saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne William Ruto.