Ciidamada oo soo afjaray weerarkii xabsiga dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo maanta ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana haatan lasoo afjaray weerarka, kadib howlgal culus oo saacado qaatay.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay weerar toos ah xabsiga kasoo abaabuleen xubno loo haysto Shabaabnimo oo ku xirnaa qaybta Biya Mundo oo ka tirsan xabsiga dhexe ee Xamar, isla markaana ay ku xiran yihiin xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ay soo xirtay dowladdu.

Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah maxaabiista ay haleen qoryo AK47 ah iyo bambaamooyin, kadibna ay u suuragashay inay la dagaalamaan ilaalada xabsiga.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in la tooktay dhammaan raggii weerarka soo qorsheeyay oo tiradooda lagu sheegay 5 nin, waxaana ay ku xukunaayeen dil toogasho ah, kadib markii lagu helay Al-Shabaabnimo iyo dilal ay horay u gaysteen.

Sidoo kale waxaa weerarkan ku dhintay laba maxabuus oo kale, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana gudaha u galay xabsiga ciidamada amniga oo weli howlgal amni xaqiijim ah ka wada halkaasi.

Waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray xabsiga oo hub loogu qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen xabsiga gudihiisa.