Daawo: Saciid Deni oo arrin xasaasi la wadaagay QM

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta qaabilay Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Saciid Deni iyo Jamees Swan ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan siyaasada, amniga, mashaariicda, bini’aadanimada iyo daadejinta adeegyada dowladda.

Madaxweyne Saciid Deni oo kulanka ka hadlay ayaa faah-faahiyey qodobada ay ka wada-hadleen isaga iyo wadiga QM, wuxuuna uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Booqashadiisa Magaalada Garoowe iyo taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Deni ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in labada dhinac ay ka wada-hadleen amniga, siyaasadda iyo arrimaha bani’aadanimada ee dalka.

“Waxaan is weydaarsanay wada-hadal dhinacyo badan taabanayay sida amniga, siyaasadda iyo dhinacada bani’aadanimada” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inuu la wadaagay aragtidiisa ku aadan xaaladaha ka taagan ee dalka, si looga gudbo caqabadaha waa wayn ee jira.

“Waxaan la wadaagnay dareenkeenna iyo aragtideenna ku aadan xaaladda dalka, waxaana rajeynayaa inay ka qayb qaadan doonto sidii uu xal ugu heli lahaa arrimaha murugsan ee Soomaaliya” ayuu sii raaciyay.

Kulankan waxaa madaxweyne Saciid Dei ku wehlinayey madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo qaar kamid golihiisa wasiirada, halka Swan ay garab  taagnaayeen xubno kamid ah xafiiska kaalmeynta UNSOS ee Qaramada Midooay.

Maalmihii u dambeeyay James Swan oo mar kale loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waday kulamo wada tashi ah oo uu la qaadanay madaxda Soomaaliyeed, si hore loogu wada shaqeynta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Qaramada Midoobay.