Jab culus oo la gaarsiiyay Al-Shabaab maanta kasoo gudbay wabiga + Sawirro

Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhuumaaleysi kusoo galay deegaanka Beerayabaal ee gobolkaasi.

Ciidamada oo ka war helay kooxdaas ayaa weerar culus ku qaaday, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

War kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyay khasaaare kale oo aad u culus.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta weerar culus ku qaaday Khawaarij si dhuumaaleysi ah ku soo gashay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan. Ugu yaraan 10 dhagarqabe ayaa Khawaarijta looga dilay dagaalkii maanta ka dhacay Beerayabaal, waxaana lasoo werinayaa in khasaaraha gaaray argagixisada uu intaas ka sii badan yahay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sisoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in deegaankaas ay ka saareen Al-Shanaabkii ka soo gudubay Wabiga, kadib markii dadka deegaanka oo helay xogta xubnahan oo ka yimid galbeedka Wabiga ay lasoo xiriireen Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, kuna aadan dagaalkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay ka joogaan gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.