Faah-faahin: Trump oo ka bad-baaday isku day dil

Butler (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagala cararay masrax uu hadal ka jeedinayey, magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania kadib rasaas la furay.

Ciidamada ilaalada madaxda ee loo yaqaan Secret Service ayaa la cararay Trump kadib markii la maqlay dhawaqa rasaasta, ayada oo la arkayey Trump oo dhegta haysta.

Waxaa sidoo kale la arkayey Trump oo ka dhiig-baxaya dhegta ama qeybta midi gee wejiga, islamarkaana uu gacanta ku hayo daanka.

Wax yar kadib markii ciidamada ay dhulka dhigeen oo ay isku dabooleen, Trump ayaa so istaagay ayada oo dhiiga uu soo gaaray wejigiisa, waxaana kadib lagula cararay baabuurta.

Ilaa hadda faah-faahin rasmi ah lagama hayo xaqiiqda waxa dhacay, iyo haddii waxa ku dhacay Trump ay yihiin rasaas, balse wax kasta oo ay ahaayeen-ba waxay u muuqata in aysan halis gelin naftiisa, islamarkaana dhaawaca gaaray uusan aheyn mid halis ah.

Illaa hadda ololaha Trump ayaa ka hadlin dhacdadan.

Afhayeen u hadlay Secret Service, Anthony Guglielmi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Trump “uu badqabo” ka dib “shil ka dhacay” isu soo bax uu ku qabtay Pennsylvania. Ma uusan bixin faahfaahin intaas dheer.

Xeer-ilaaliyaha Butler, Richard Goldinmger ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in la dilay nin dabley ahaa, sidoo kalena uu dhintay mid ka mid ah dadkii ka qeyb-galayey isu soo baxa.

Ololaha Donald Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu “badqabo” madaxweynihii hore.

“Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.”