DF Soomaaliya oo shaqada ka cayrineysa qaar ka mid ah macalimiintii ay qoratay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay banana-bax ay dhigeen qaar ka mid ah macalimiin dugsiyada dowladda wax ka dhiga, kuwaas oo ka cabanaya farriin uga timid wasaaradda oo loogu sheegay ‘inay iska tagaan.’

Cabashadaan ayaa ka dhalatay farriin macalimiinta uga timid wasaaradda waxbarashada, taas oo loogu sheegay in mushaarkooda uu ku egyahay 31-ka bisha soo socota ee Agosto.

Waxay soo qaateen boorar ay ku qoran yihiin farriimo ay ku jirto “Macalin soo shaqeeyay 11 sano in la yiraahdo iska bax cadaalad miyaa?” waxaa xusid mudan in hal ku dhigyo kale ay ku qoraayeen boorarka ay macalimiintu wateen maanta, waxaana ka mid ahaa hal ku dhigyada kale “100-kii hore banaanka gey ee boqol kale boosas sii cadaalad maaha.”

Macalimiinta qaar waxay la hadleen warbaahinta waxayna gudbiyeen cabashadooda, intii ay banaanbaxayeen waxay ku qeylinayeen “Cadaalad hala arko, dulmi dooni meyno” iyo erayo kale oo ay kaga soo horjeedaan qorshaha wasaaradda.

Macaalimiinta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqada loo qaatay sanadkii 2015-kii, kadib markii wasaaradda waxbarshada ay u baahatay barayaal dugsiyada dowladda wax ka dhiga, “Shaqadaan waxaan u galnay imtixaan, waxaana sidaas nagu qaadatay wasaaradda 7 sano ka hor,” ayuu yiri mid ka mid ah macalimiinta.

Qaar ka mid ah macalimiin arrintaan ka hadashay waxay ku doodayaan in ay soo mareen marxalado kala duwan, intii ay shaqada ku jireen, waxay ku cataabeen in shaqadaan ay soo hayeen sanado ay Muqdisho ka dhacayeen dilal qorsheysan oo dadka la beegsanayo ay ku jireen, sidoo kale ay meelaha qaar ka dhacayeen dagaal toos ah iyo qaraxyo galaaftay qaar badan oo saaxiibadood ahaa.

Macalimiinta cabashada qabta ee faiinta loo diray waxaa ka mid ah Macalin Khadiija Sheekh Abuukar waa bare wax ka dhigta dugsiga Ex-Karaan, waxay la hadashay BBC waxayna sheegtay in ay shaqada macalinimada soo bilowday sanadkii 1988-kii, xiligaas oo dowladdii dhexe ay u qaadatay in ay wax ka dhigto dugsiyada hoose iyo dhexe.

Khadiija sidoo kale waxay ka tirsan tahay guddiga macalimiinta cabanaya, waxayna sheegtay in ay dowladda u direen fariimo badan, balse ilaa hadda aysan ka hayn wax jawaab ah.

Cabashada macalimiintaan waxay ku soo aadeysaa iyadoo wasaaradda waxbarashada ay dhawaan shaacisay inay qaadaneyso 3,000 oo macalin, halka sanadkii hore ay qaadatay oo shaqaaleysiisay 3,000 oo kale, qorshaha dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in dowladdu qaadato 1,000 oo macalin sanado kooban gudahood.