PUNTLAND oo si yaableh uga hadashay hubka lagu bililiqeystay Galgaduud

Garoowe  (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa war culus kasoo saartay hubkii shalay lagu qabtay deegaanka Shiilo Madow ee gobolka Galgaduud, kaas oo ay bililiqeysteen maleeshiyaad deegaanka ah, kadib markii laga soo gudbiyay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo si adag uga hadlay hubkan ayaa sheegay inuu khatar weyn ku yahay xasiloonida gobolka iyo Soomaaliya.

Juxa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in hubkan uu qeyb ka yahay natiijada ka dhalatay qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, taas oo dhawaan uun lagu guuleystay, wuxuuna tilmaamay inay ahayd tallaabo lagu deg-degay, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad sharci ah, isaga oo sheegay in siyaasad ahaan aan heshiis lagu ahayn midda hadda jirta, sida uu ku dooday.

“Waa khalad weyn in xayiraadda hubka laga qaado dal aan lahayn Dawlad sharci ahaan iyo siyaasad ahaan heshiis lagu yahay. Dal aan sugi karin xuduudiisa, kana wada talin dalkiisa; dadkiisuna heshiis ahayn,” ayuu yiri wasiirka arriaha gudaha maamulka Puntland.

Dhankiisa wasiirka caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo isna ka hadlay qaddiyadan ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay hurineyso dagaallo sokeeye oo ka dhaca Puntland iyo Galmudug, maadaama uu sheegay lasoo galiyay hub sharci darro ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ujeeddada laga leeyahay ay tahay si aan doorasho iyo isla xisaabtan looga hadlin muddo kororsina uu u helo madaxweyne Xasan Sheikh.

“Hubka gacanta u galay bulshada Caabudwaaq wuxuu ka mid yahay hagardaamooyinka iyo dagaalada sokeeye ee dowladda Federaalku ka waddo Mudug iyo Galgaduud oo hubkaanu ku socdey si loo khalkhalgaliyo nabadda Puntland iyo Galmudug,” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayo waqooyiga gobolka Galgaduud oo ah halka lagu dhacay hubkan tirada badan oo gaadiid xamuul ah lagu soo geliyay deegaanada Galmudug, balse u gacan u galay shacabka.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo qudheeda war kasoo saartay hubkan waxa ay sheegtay inay dalka soo geliyeen ganacsato, markii markii ay qabtee  ciidamada qaranka waddada loo galay sidaasna lagu boobag hubkaasi.