Ciidamadii kusoo dhaawacmay dagaalkii Galgaduud oo la keenay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah askartii shalay kusoo dhaawacantay dagaal culus oo ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Waniille oo ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Dhaawacyada oo la dhigay isbitaalka Digfer ayaa waxaa maanta ku booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin, isaga oo u kuur galayay xaaladdooda caafimaad.

Taliyaha ciidanka Xoogga ayaa caafimaad qab buuxda u rajeeyay askarta la dhigay isbitaalka, wuxuuna u ballan qaaday inay war hayn doonto dowladdooda.

Sidoo kale waxa uu dhaqaatiirta kula dardaarmay inay askarta ku bixiyaan dadaal dheeraad ah, isaga dhinaca kale alle uga baryay in Jannatul firdowsa uu ka waraabiyo askartii ku dhintay howlgalkaasi.

“Waxaan maanta isbitaalka ku booqday geesiyaasha XDS ee shalay jilibka u laabay kooxaha arxan-laawayaasha ee isku dayay inay dhibaateeyaan shacabka Magaalada Waniille ee Gobalka Galgaduud” ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Geesiyaasha Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa shalay cashar aysan hilmaami doonin u dhigay kooxaha Argagixisada ah, waxaana halkaasi looga dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyad badan”

Dowladda Soomaaliya oo horay war uga soo saartay howlgalkan waxa ay sheegtay inay ku dishay in ka badan 50 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla Galmudug.