Galmudug oo sheegtay danta laga lahaa hubkii lagu dhacay Caabudwaaq, fariina u dirtay DF

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Dowlad Goboleedka Galmudug oo war ka soo saaray hubkii sida sharcirada ah dalka looga soo geliyey waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa ku guda jira sidii sharciga loo hor keeni lahaa dadkii falkaas ka dambeeyey, waxaana qoraalkaan hay’adaha amniga iyo cadaaladda ee dowladda federaalka looga dalbaday in ay arrinkaas gacan ka gaystaan.

Sidaan oo kale Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa maanta war ka soo saartay arrinta hubka, waxaana loogu goodiyey maleeshiyaadkii hubka dhacay, iyadoo dowladda federaalka ay cadeysay inay ka go’antahay in hubkaas uu soo galo gacanta dowladda.

Galmudug ayaa u muuqata inay ku mowqif tahay dowladda federaalka, waxaana la mideysan yahay in hubkaasi uu si sharci darro ah ku soo galay dalka, isla markaana lagu naaxinayo argagixisada iyo colaadaha qabaa’ilka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay Galmudug:

War-Murtiyeed

Dawlada Galmudug waxay si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqa hubka laga soo tahribiyey dhanka Toobiya ee ku aaddan Waqooyiga Galgaduud.

Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa iskudayey inay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darida uu hubkaasi abuuri karo.

Dowladda Galmudug waxay baaritaan ku sameysay falkaas argagaxa leh, waxaana u caddaatay in dad qowlaysato ah kuna caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darada ah ay kadanbeeyeen, iyadoo u jeedku ahaa in loogu adeego danaha argagaxisada, la isagana horkeeno shacabka, laguna qalqalgeliyo amniga iyo xasiloonada Galmudug.

Dawlada Galmudug waxay kugudajirtaa sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa dhagar qabayaashaas, waxayna kadalbaneysaa hay’adaha amniga iyo cadaaladda ee Dowladda Federaalka ah inay arinkaas gacan ka gaysataan.

Dowladda Galmudug waxay u tacsiyeyneysaa ehellada dadkii ku waxyeeloobay shaqaaqadii shalay ee uu sababay hubka tahribka ahaa, waxeyna ugu baaqaysaa shacabka Galmudug inay nabada iyo xasiloonida ka wada shaqeeyaan, meelna uga soo wada jeestaan argagixisada iyo kuwa fur- sadaha karaadinaya dhiigga dadka walaalaha ah iyo qalqal gelinta amniga Galmudug.