Thabit oo ka digay halista wixii ka dhacay Caabudwaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed oo war qoraal ah soo saaray aya digniin culus kasoo saaray hubka lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Thabit ayaa ayaan darro ku tilmaaay in qaadistii cunaqabateyna hubka uu ka dhasho qulqulka hub sharci darro ah oo uu tilmaanay inuu halis ku yahay xasilloonida dalka.

Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay halka uu ka yimid hubkan oo kasoo galay dhinaca Itoobiya isaga oo sheegay in xilligan aanu wax xariir ah nagala dhexeyn dalkaasi.

“Qaadistii cunaqabateynta hubka ma ahayn in ay dhasho qulqul hub sharci darro oo halis ku ah xasilloonida iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed, oo wiliba ay wararku sheegayaan in xadka Itoobiya ee Dowlad Gobolleedka Galmudug kasoo galay iyadoo wax xiriir ah uusan nagala dhexeyn Itoobiya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Thabit Cabdi Maxamed.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa intaasi kadib farriin u diray saddex dhinac oo kala ah dowladda dhexe, Galmudug iyo baarlaamanka inay arrintaan jawaab ka keenaan, si loo ogaad cidda ka dambeystay halistaas ee hubka sharci darrada ah soo gelisay waddanka.

“Waxay sharafdhac ku tahay dowladnimada, hagardaamineysaa hannaanka xakameynta hubka, waana in si daahfuran baaritaan rasmi ah loo sameeyaa, si gaar ah Dowladda Galmudug hay’addaha ay quseyso lana horkeenaa sharciga cidkasta oo ku lug leh jarriimadan qaran ee Soomaliya iyo GalMudug-ba la rabo in lagu sharaf dilo”. ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Guddiga Difaaca iyo Amniga ee BJFS waajib ayaa ka saaran in ay islaxisaabtan ku sameeyaan Laanta Fulinta ee DFS.”

Hadalkan kasoo baxay Thabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad xoogan ay ka dhalatay hubkan oo u gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq, waxaana dowladda federaalka iyo Galmudug ay sheegeen inay ku dadaalayaan soo celinta hubkaasi.