GALMUDUG oo shaacisay waxa ay sameynayso kadib hubki lagu boobay Cabudwaaq

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamul goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan hubkii maalin kahor lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud.

Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan markii hore la socon hubkaas, balse ay ka war heleen markii uu soo galay xuduudka, kadibna ciidamo loo diray.

“Annaga waxaan ka war helnay marka uu xuduudka soo galay hubkan, kolley hay’adda sirdoonka ayaa la socotay iyada ayaana dirtay ciidanka” ayuu yiri wasiir Gaboobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaanno ku aadan cidda hubkaas soo gelisay Galmudug iyo halka uu ku socday, kadibna ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Dhiaca kale wasiirka amniga Galmudug ayaa soo hadal qaaday xiisadda haatan ka taagan degmada Caabudwaaq oo loo diray ciidamo horleh, wuxuuna tilmaamay in ujeedkooda aanu ahayn in la weeraro shacabka, kadibna si xoog looga soo furto hubka u gacan galay.

“Ma jirto xeelad xoog ama awood ciidan ah oo aan shacabka ugasoo celineyno hubka balse qorshe kale ayaan isticmaaleynaa” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga Galmudug.

Maxamed Aadan Gaboobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wada-hadal iyo shirar ay la yeelan doonaan waxgaradka deegaanka, si ay ugala shaqeeyaan soo celinta hubkaasi.

“Waxaa lala tashanayaa dadka waxgaradka ah dadka hubka wixii halis ah ee dhibaato u keenaya ayay muhiimadda tahay in la ogaado kadibna waxgaradka ayaa lala sheekeysan doonaa iyaga ayaana nagala qayb qaadan doonto” ayuu hadalkiisa kusii daray

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hubkan lagu siday laba gaari oo xamuul ah, midna uu waday qoryaha kan kale rasaasta, dhammaana ay la wareegeen shacabka.