Senatorada Aqalka Sare oo go’aan culus kasoo saaray hubka lagu dhacay Galgaduud

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay hubkii Isniintii lagu dhacay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo ka yimid dhanka Itoobiya.

Senator Deeqo Xasan Xuseen oo Wariyeyaasha kula hadashay bannaanka hore ee xarunta Golaha ayaa ku baaqday in hubkaas la bililiqeystay lagu soo celiyo gacanta dowladda federaalka, waxayna sheegtay in shacabku aanay xaq u lahayn hubkaas, uuna halis ku yahay amniga dalka.

“Waxaan ku baqayaa in hubkaas la dhacay lagu soo celiyo gacanta DFS si badbaadadii dalka iyo dadka ay iyadana ku hana qaado. Shacabka xaq u malaha inay hubka gacanta ku dhigaan waxaa xaq u leh ciidamada ay koontaroolka hubka yeeshaan” ayay tiri Senatoradu.

Sidoo kale waxay farriin u dirtay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada oo ay ugu baaqday inay qaataan mas’uuliyadooda ka saaran badqabka dalka iyo dadka.

“Waxaan leenahay mas’uuliyiinta oo ay ugu horreeyaan federaalka, madax maamul goboleedyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed cid walba waxaa mas’uuliyad ay ka saaran tahay ilaalinta badqabka iyo amniga dalka” ayay tiri mar kale sii raaciyay Deeqo.

Dhankeeda Senator Laylo oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ayaa iyaduna sheegtay in hubkan loo adeegsan karo dagaal beeleedyada ka socda gobollada dhexe, isla markaana ay ka imaan karto halis kale oo wayn, waxayna dowladda ka codsatay in lasoo celiyo.

“Hubkaas shacabka gacantooda, iyaga oo awal aagag isugu jro waa qatar wayn dowladdu waa in ay xakameysaa,” ayay iyaduna tiri Senetor Layla.

Hadalka kasoo yeeray Senatorada Aqalka Sare ayaa kusoo aadaya, ayada oo weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay hubkan lagu dhacay degmada Caabudwaaq, waxaana haatan socda dadaallo ku aadan soo celinta hubkaas oo ay wadaan dowladda dhexe iyo Galmudug.