Daawo: Muxidiin Saabey oo ku soo laabtay Muqdisho, shaaciyey-na qorshihiisa

Muqdisho Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee canshuuraha barigga u qaabilsanaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Saabey Jurus ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka baxsaday 13 bilood ka hor.

Saabey ayaa ka baxsaday kiis ay ku soo eedeeyeen xafiisyada xeer ilaalinta guud iyo hantidhowrka qaranka, kaas oo la xiriiray musuq maasuq ka dhex dhacay hey’adaha dowladda, balse markii dambe waxaa dembigaas ku weysay maxkamadda gobolka Banaadir.

Muxudiin Saabey ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde oo uu ka soo degay, waxaana soo dhoweeyey waxgarad, siyaasiyiin, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo barbaarta gaashaaman.

“Maanta waa ii suurta gashay inaan ku soo laabto Muqdisho oo 13 bilood aan ka maqnaa, dalkaan waan jeclahay runtii oo wax badan ayaan ka soo marnay, laxawjeclaa naga heysa, wax qaloocana lama rabno,” ayuu yiri.

Saabey ayaa Soomaaliya uga baxay safar dhulka ah, markii uu ogaaday in la xirayo, wuxuuna dhowr bilood kadib kamid noqday masuuliyiin ay maxkamadda gobolka Banaadir ku weysay dembiyadii loo heystay.

Odayaashii dhaqanka ee soo dhaweeyey Saabey ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu wiilkooda siiyo mag-dhowgii uu u balan qaaday qofkii inta lasoo eedeeyo dembi lagu waayo.

Masuuliyiinta Saabey lala eedeeyey waxaa ka mid ahaa labadii Agaasime ee soo maamushay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, waxaana si lamid ah ninkaan lagu waayey eedeymihii uga yimid xafiisyada Hantidhowrka iyo Xeer ilaalinta.

Markaan waxaa madaxweyne Xasan Sheekh looga fadhiyaa inuu bixiyo magdhowgii uu ka balan qaaday qof kasta oo masuul ah oo inta maxkamad la geeyo lagu waayo xatooyo xoolo dadweyne.

Hoos ka daawo