Galmudug oo dalab deg-deg soo saartay kadib go’aanadii golaha amniga qaranka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa soo dhaweeyay go’aannada uu xalay soo saaray golaha amniga qaranka ee la xiriira hubkii lagu boobay gobolka Galgaduud, kaasi oo uu gacan galay dadka deegaanka.

Galmudug ayaa ku wargelisay hay’adaha garsoorka iyo fulinta cadaaladda oo horay u bilaabay baarista dhacdadan inay iska kaashadaan hay’adaha federaalka ah ee lagu tilmaamay go’aanka kasoo baxay golaha amniga, sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa kuwii ku lug lahaa falkaasi.

“Dowladda Galmudug waxay soo dhaweynaysaa go’aannada uu soo saaray golaha amniga qaranka oo la xiriira hubkii sharci-darrada ahaa ee sida dhuumaaleysiga ah lagu soo galiyay qeybo kamid ah deegaannada Galmudug,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka Galmudug.

Galmudug ayaa sidoo kale ka dalbatay hay’adaha garsoorka iyo fulinta cadaaladda inay deg deg cadaaladda u hor keenaan dadkii ka dambeeyay dhacdadan, oo horey maamulka tuhun uga muujiyay shaqsiyaad gaar ah.

Golaha amniga qaranka oo shalay yeeshay kulan aan caadi ahayn oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga hadlay hubka sharci-darro ee lagu bililiqeystay gudaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Go’aannada laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ah; adkeynta kormeerka hubka iyo rasaasta, mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka, soo gudbinta warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah iyo in si deg-deg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta, ayada oo kulankaas ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.