Bannaanbax uu dhiig badan ku daatay oo ka dhacay…

Dhaka (Caasimada Online) – Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay Khamiistii shalay kadib markii ay isku dhaceen kumannaan arday ah oo ku hubeysnaa ulo iyo dhagxaan iyo ciidamada booliska magaalada Dhaca ee caasimadda dalka Bangladesh.

Rabshadihii shalay ayaa ahaa kuwii ugu khasaaraha badnaa tan iyo marki ay Bangladesh ka billowdeen mudaaharaadyada.

Ardayda dibad-baxa dhigayay ayaa waxay ka soo horjeedaan siyaasad ay dowladda soo rogtay oo shaqooyinka dowladda ka bannaan qeyb badan oo kamid ah siineysa dad gaar ah oo ka mid ah mujtamaca.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in la soo afjaro nidaamka cusub ee kootada shaqada, kaas oo dhigaya in ilaa 30% shaqooyinka dowladda la siiyo qaraabada dadkii kasoo dagaallamay dagaalkii madax-bannaanida ee Bangladesh ee sannadkii 1971-kii.

Bannaan-baxyada ayaa xooggooda ka socda jaamacadda caanka ah ee Dhaka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay tirada dhimashada dadka lagu dilay mudaaharaadka ay gaareen 25 qof.