Qarax ka dhacay bartamaha Tel Aviv

Tel Aviv (Caasimada Online) – Subaxnimadii hore ee Jimcaha maanta ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu qarax ka dhacay bartamaha Tel Aviv ee caasimadda u ah Israa’iil.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay bartamaha Tel Aviv uu ka dhashay weerar ay diyaarad Drone ah ay fulisay.

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow qunsuliyadda Mareykanka, ayaa waxa uu sababay dhimashada hal qof oo ka dhacay dhismo ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay iyo kuwa kale oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud, sida iu shaaciyay adeegga ambalaasta ee Israa’iil.

Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay dad Israa’iiliyiin ah oo isku soo ururay dhismo uu muraayadaha ka burburiyay qaraxa.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yemen ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay goor sii horeysay in kooxdu ay fuliyeen howl-gal tayo leh oo ay ku bartilmaameedsadeen Tel Aviv.

Mana jirto faah-faahin intaan ka baxsan oo kasoo baxaysa maamulka Netanyahu, oo goordhow la filayo inay war rasmi kasoo saaran sida wax u dhaceen.

Wixii kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.