Sawirro: Ciidanka dowladda oo toogtay nin Al-Shabaab ah, gacantana ku dhigay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka toogtay nin ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu qabtay koontaroolka Mesagawey.

Ciidanka xoogga ee ku sugan magaalada Mesagawey ee gobalka Galgaduud ayaa ninkan toogtay, xilli uu ku hubeysnaa qoray AK-47 ah, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen qaar kamid ah saraakiisha ciidanka.

Dhinaca kale, ciidamada ayaa qabtay saddex gaari oo nuuca loo yaqaano Layla-calaawi ah oo jirkaano badan oo shidaal ah waday.

Gaarigan ayaa waxaa lagu qabtay deegaanka Xuseen-cagey, waxayna saraakiisha sheegeen inay saarnaayeen dumar argagaxisada u socday, ayna gacanta ku dhigeen, loona gudbin doono laamaha ammaanka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii ciidanka ay bur-buriyeen goobo ay kooxda ku qoran jirtay dagaal-yahaannada cusub, oo ku yaallay deegaanada dhaca dhulka howdka ah ee kala qeybiya gobollada Baay iyo Bakool.

Sidoo kale waxaa howl-galkaas lagu nadiifiyay deegaano ay dadka shacabka ah ee mara wadooyinka isku xira gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ay ku baadi jirtay kooxda Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli uu dib u dhac ku yimid wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inuu dhawaan si rasmi ah u bilaaban doono.