DF iyo wakiillada caalamka oo shir muhiim ah ku yeeshay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay kukan xasaasi ah oo looga hadlayo tallaabada xigta ee dowladda ee deegaanadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Shirkan oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa diirada lagu saaray isku dubarridka barnaamijka xasilinta.

Shirkan oo looga arrinsanayo horumaradii laga sameeyey barnaamijka xasilinta ee dawladdu hoggaamiso, kaasi oo lagu gaarsiiyo adeegyada bulshada, maamul-dhiska, amniga iyo caddaaladda deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Shirkan ayaa sidoo kale lagu falan-qeynayaa u diyaar-garowga wejiga labaad ee hawl-gallada dib-u-xoreynta ee ka socda qaybo kamid ah dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Xoosh oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ay deegaano badan gaarsiiyeen barnaamijka xasillinta oo muhiim u ah deegaannada la qabtya.

“Barnaamijka Xasilinta waxaan gaarsiinay deegaanno badan oo cadowga laga xoreeyay, waxaana taas ku mahadsan Ciidanka Qaranka,” ayuu yiri wasiir Xoosh.

Dhinaca kale, guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macallin oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay barbar socdaan barnaamijka xasillinta gargaar gaarsiinta shacabka ku nool deegaannada la xoreeyay

“Waxaan si xoog leh uga shaqeynay deegaannadii la xoreeyay innaga oo gaarsiinay caawinaad dadka rayidka ah taas oo qeyb ka ah barnaamijka xasilinta,” ayuu yiri guddoomiyaha SODMA.